Weerar ka dhacay Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo isku bedalay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhaawac u badan, kaasoo la sheegay inuu labadda dhanba soo kala gaaray.

Dadka degaanka ayaa sheegay in iska hor-imaadka oo ka dhacay xaafada Buulla-Fullay oo ka tirsan Afgooye leysku adeegsaday Hubka culus iyo fudud ayna maqlayaan Daryenka Rasaasta culus.

Fahfaahinada laga helayo dagaalka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda ay iska caabin xoogan kala hor-tagaan Ragga Shabaabka ah ee duulaanka qorsheysan kusoo qaadan bartooda.

Saraakiisha amaanka ee ku sugan degmada Afgooye ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, inkastoo dhanka Al-Shabaab aanan illaa iyo haatan laga haynin war rasmi ah oo ay kasoo saareen dagaalkaan.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar kan lamid ah lagu soo qaaday Saldhig ciidanka dowladda ku leeyihiin Aaga la wareeray, inkastoo aanan la ogayn hadii uu jiro khasaaro.

Dagaalkaan cusub ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Hay'addaha amaanka ay gacanta kusoo dhigeen 11 Ruux oo ay ku jirto Haweenay, kuwaasoo la sheegay inay Al-Shabaab yihiin.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo 35-KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan Muqdisho, ayaa waxaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe weeraro Al-Shabaab kusoo qaado xilli Hay'addaha amaanka kordhiyeen howlgalada amni sugista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM