Weerar ka dhacay degmada Dhoobley [Fahfaahin]

Image

DHOBLEY, Soomaaliya - Xoogag taabacsan Al Shabaab ayaa  weerar culus ku qaadey saldhigyo military oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmada Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka waxa uu ahaa mid gaadmo ah oo lagu beegsaday fariisamaha ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo soo gaarey labada dhinac.

Saraakiisha maamulka degmada Dhoobley ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaal xooggan uu xalay ka dhacay duleedka degmada, kaasi oo yimid markii Al Shabaab ay soo weerareen ciidamada.

Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay cagta marisay saldhigyada ay weerartay, kadib markii ay dagaalka uga awood roonaadeen ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland, inkastoo warkaasi mas'uuliyiintu beeniyeen.

Weerarkan ayaa yimid Todobaadyo kadib markii uu Dhoobley booqday Taliyaha AMISOM Jeneraal Osman Noor Soubagleh halkaasi oo uu kula soo kulmay ciidamada ka socda dalka Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka caadi kusoo laabatay, iyadoo goobihii lagu dagaalamay ay wali ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kadib markii ay iska caabiyeen dagaalayanada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadayso magaalooyinka ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, si ay u xoojiso howlgalladeeda ay ka fuliso gobolka waqooyi bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM