Weerar ka dhacay degmada Dhoobley [Fahfaahin]

Image

DHOBLEY, Soomaaliya - Xoogag taabacsan Al Shabaab ayaa  weerar culus ku qaadey saldhigyo military oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmada Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka waxa uu ahaa mid gaadmo ah oo lagu beegsaday fariisamaha ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo soo gaarey labada dhinac.

Saraakiisha maamulka degmada Dhoobley ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaal xooggan uu xalay ka dhacay duleedka degmada, kaasi oo yimid markii Al Shabaab ay soo weerareen ciidamada.

Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay cagta marisay saldhigyada ay weerartay, kadib markii ay dagaalka uga awood roonaadeen ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland, inkastoo warkaasi mas'uuliyiintu beeniyeen.

Weerarkan ayaa yimid Todobaadyo kadib markii uu Dhoobley booqday Taliyaha AMISOM Jeneraal Osman Noor Soubagleh halkaasi oo uu kula soo kulmay ciidamada ka socda dalka Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka caadi kusoo laabatay, iyadoo goobihii lagu dagaalamay ay wali ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kadib markii ay iska caabiyeen dagaalayanada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadayso magaalooyinka ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, si ay u xoojiso howlgalladeeda ay ka fuliso gobolka waqooyi bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM