Weerar ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Weerar ayaa Maanta ka dhacay duleedka Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo, kaasoo ay ilaaliyaan Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weerarka gaadmada ah ayaa isku bedelay dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo Ciidanka Jubaland ku dhexmaray saldhiga oo ku yaalla halka lagu Magacaab Koran-uusle oo u dhaw Garoonka, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal Askari iyo tiro kale oo Shabaab ah.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Al-Shabaab, islamarkaana xaaladda ay caadi kusoo laabatay, mana jirto saameyn dagaalka ku yeeshay duulimaadka diyaaradaha Garoonka.

Al-Shabaab ayaa mudooyinka dambe xoojiyay weerarada dalka ay ka fuliso, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo Kooxda ay isku dayayso inay carqaladeyso doorashooyinka socda, oo cabado kale ay haystaan.

Jubaland ayaa mudo dheer dagaal kula jirtay Al-Shabaab, balse kuma guuleysan inay la wareegto guud ahaan saddexda Gobolka ee ka kooban tahay, waxaana ka maqan Jubada Dhexe oo dhan iyo degmooyin kale.

Ciidanka Jubaland ayaa waxay taageero ka halayaan askarta Kenya, oo ilaaliya Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo, oo ah ilaha dhaqaale ee maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM