Weerar ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya

Image
Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya uu ahaa ismiidaamin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax la sheegay in loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa ayaa Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya uu ahaa ismiidaamin. Illaa hadda, lama oggga khasaaraha iyo bartilmaameedka.

Sawirro laga soo qaadey goobta waxay muujinayaan burbur soo gaarey gaadiid iyo iyo guryonku yaala goobta. Mid kamid ah goobaha gubtey waxaa kamid ah MCH lagu daaweeyo dadka danta yar.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan waxaa looga bartey Al-Shabaab. Shalay ayay ahayd markii ismiidaamin ay ka dhacay afaafka Villa Baydhabo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa qoraal uu soo saarey wuxuu ku caddeeyay in aysan jirin waxyeelo shacab soo soo gaartey.

"24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay," ayuu yiri.

Ma jirto cid si deg-deg ah u sheegatay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo tabiyo caasimadda waxaa looga bartey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo wuxuu beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay'addaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM