Weerar ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya

Image
Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya uu ahaa ismiidaamin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax la sheegay in loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa ayaa Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ka dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya uu ahaa ismiidaamin. Illaa hadda, lama oggga khasaaraha iyo bartilmaameedka.

Sawirro laga soo qaadey goobta waxay muujinayaan burbur soo gaarey gaadiid iyo iyo guryonku yaala goobta. Mid kamid ah goobaha gubtey waxaa kamid ah MCH lagu daaweeyo dadka danta yar.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan waxaa looga bartey Al-Shabaab. Shalay ayay ahayd markii ismiidaamin ay ka dhacay afaafka Villa Baydhabo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa qoraal uu soo saarey wuxuu ku caddeeyay in aysan jirin waxyeelo shacab soo soo gaartey.

"24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay," ayuu yiri.

Ma jirto cid si deg-deg ah u sheegatay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo tabiyo caasimadda waxaa looga bartey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo wuxuu beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay'addaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM