Weerar khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image

QALIMOW - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dambeeyay markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaaadeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Shabaab fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Tuuladda Qalimow.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegeen inay maqleen daryenka rasaas xoog leh oo labadda dhinac is-dhaafsanayeen, taasoo socotay ku dhawaad Hal saac, islamarkaana sababtay khasaaro dhimsho iyo dhaawac isagu jira.

Ugu yaraan hal askari ayaa inta la hubo ku geeryoodey weerarkaan, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaarey ciidamada dowladda, inkastoo aan la xaqiijin karin midka soo gaarey dhinaca Al-Shabaab.

Xoogaga Al-Shabaab oo baraha Internet-ka ku faafiyaan warar ay uga hadleen weerarka ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay ugu geysteen ciidamada xooga dalka khasaaro xoog leh, ayna ku furteen hub iyo Saanad ciidan.

Taliska ciidaamada xooga dalka, Wasaarada Gaashaandhiga, iyo Taliska gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo midka HirShabeelle intaba wali war ah kama aysan soo saarin falkaan lagu beegsaday ciidamada dowladda.

Deegaanka Qalimow oo ku yaalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa aalaaba ka dhaca weeraro noocaan ah, iyadoo dhawaan la geeyay ciidamado isagu jira Soomaaliya iyo AMISOM si amaanka Jidka u sugaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM