Weerar khasaaro geystay oo dhacay Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

GARISSA - Ugu yaraan lix sarkaal oo ka tirsan ciidamadda Booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay, kadib markii maanta oo Arbaco ah qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw xadka Soomaaliya.

David Kerina, Taliyaha Booliska magaalada Garissa, xarunta gobolka Waqooyiga bari ee Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Masalani uu burburiyay mid kamid ah kolonyada ay la socdeen ciidamada Booliska.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dagaal fool ka fool ah uu dhex-maray ciidamada Booliska iyo dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo weerar toos ah kusoo qaadey qarax kadib, kuwaasi oo goobta isaga cararay markii laga awood roonaadey.

Ciidamada Booliska ayaa kasoo safray saaka saldhig ay ku leeyihiin Tuulada Ijara camp bulldozer oo loo waday saldhig kale oo ku yaalla deegaanka Sangailu oo katirsan waaxda Holugho oo toostagta Garissa.

"Mid kamid ah baabuurta Kolonyada Booliska ayaa dulmaray Miinada taasi oo sababat dhaawaca 8 Askar oo saarnaa," ayuu yiri David.

Sida uu xusay Taliyaha, Askarta dhaawaca uu soo gaarey ayaa diyaarad Helicopter ah goobta looga soo qaadey, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerarka ay ku qaadey ciidamadda Kenya, ayaa waxay ku faantay inay ku gubeen dagaalyahanadeeda baabuur, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira oo gaarey Askarta Booliska.

Kooxda Shabaab ayaa dhawaanahaan kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan deegaanada ku teedsan xuduudka Soomaaiya iyo Kenya, iyagoo inta badan adeegsada Miinooyinka ay Jidadka ku aasaan iyo weeraro toos ah.

Bishii hore ayay ahayd markii Shan sarkaal ay ku dileen kadib markii Gaari ay la socdeen ay la kacday Miino wadada lagu aasay xilli ay marayeen degmada Liboi, oo xadka ku taala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM