Weerar khasaaro geystay oo dhacay Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

GARISSA - Ugu yaraan lix sarkaal oo ka tirsan ciidamadda Booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay, kadib markii maanta oo Arbaco ah qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw xadka Soomaaliya.

David Kerina, Taliyaha Booliska magaalada Garissa, xarunta gobolka Waqooyiga bari ee Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Masalani uu burburiyay mid kamid ah kolonyada ay la socdeen ciidamada Booliska.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dagaal fool ka fool ah uu dhex-maray ciidamada Booliska iyo dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo weerar toos ah kusoo qaadey qarax kadib, kuwaasi oo goobta isaga cararay markii laga awood roonaadey.

Ciidamada Booliska ayaa kasoo safray saaka saldhig ay ku leeyihiin Tuulada Ijara camp bulldozer oo loo waday saldhig kale oo ku yaalla deegaanka Sangailu oo katirsan waaxda Holugho oo toostagta Garissa.

"Mid kamid ah baabuurta Kolonyada Booliska ayaa dulmaray Miinada taasi oo sababat dhaawaca 8 Askar oo saarnaa," ayuu yiri David.

Sida uu xusay Taliyaha, Askarta dhaawaca uu soo gaarey ayaa diyaarad Helicopter ah goobta looga soo qaadey, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerarka ay ku qaadey ciidamadda Kenya, ayaa waxay ku faantay inay ku gubeen dagaalyahanadeeda baabuur, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira oo gaarey Askarta Booliska.

Kooxda Shabaab ayaa dhawaanahaan kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan deegaanada ku teedsan xuduudka Soomaaiya iyo Kenya, iyagoo inta badan adeegsada Miinooyinka ay Jidadka ku aasaan iyo weeraro toos ah.

Bishii hore ayay ahayd markii Shan sarkaal ay ku dileen kadib markii Gaari ay la socdeen ay la kacday Miino wadada lagu aasay xilli ay marayeen degmada Liboi, oo xadka ku taala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM