Weerar lagu dilay mas'uul iyo ilaaladiisa oo ka dhacay Hiiraan

Image

MATABAAN - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo maanta oo Axad ah ay Rag hubeysan ku qaadeen Kolanyo gadiid ah oo galbineysay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan degmada iyo gobolka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in weerarkaan lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan oo lagu magacaabi jiray, Faarax Dheere.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen meydka saddex kamid ah Ilaalada Faarax, kuwaasoo iyagana lagu dilay weerarkaan, oo xigay Is-rasaasayn dhex-martay labadda dhinac.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaan, balse, xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa looga bartay inay beegsadaan Gawaarida galbisa madaxda gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, tani waxay imaaneysaa iyada gobolka Hiiraan gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso Beelo walaalo ah, kuwaasoo todobaadyadii u dambeeyay dagaal dhexmaray.

Ma cadda hadii dilka Gudoomiye ku xigeenka ay la xiriirto colaad beeleedka, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka ay ka gaabsadaan inay tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan arrinkaan ay siiyaan war-fidiyeenka.

Soomaaliya oo safka hore kaga jirta dalalka ugu amniga xun caalamka ayaa lagu beegsadaan mas'uuliyiinta dowlada, wariyeyaasha, shaqsiyaad caanka ah iyo cid kasta oo loo xagliyo inay xiriir la leedahay dhinaca xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM