Weerar lagu qaaday Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Image

QORYOOLEY - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar culus oo dabley ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka oo sababay iska hor-imaad toos ah oo dhex-maray ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho inay maqleen Daryenka Rasaas culus oo dhinacyadda ay is-dhaafsanayeen, waxaana ay tilmaameen inay socotay ku dhawaad Hal saac.

Kooxda Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saartay dagaalkaan waxay tilmaamtay inay ku dishay 7 kamdi ah Askarta AMISOM, gaara ahaan kuwa u dhashay Uganda, uuna jiro dhaawac.

Al-Shabaab ma caddeyn hadii uu jiro dhinacooda khasaaro dhimasho ama dhaawac oo dagaalyahanadeeda kaga soo gaarey dagaalka ay la galeen ciidamada AMISOM.

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo saraakiisha AMISOM ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo taliska guud ee Soomaaliya ee fidhigoodu yahay xeradda Xalane oo ay kasoo saareen sheegashadda Shabaab.

Dhinaca kale, wararka laga helayo inta u dhaxeysa tuulooyinka Lamber 60 iyo Ceelwareegow ee isla gobolka waxay sheegayaan in weerar dhabagal ah lagu qaaday Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas waxay sheegtay inay ku gaarsiisay Kolanyadda khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan carabaabin tiradda saxda ah.

Weeraradaan ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan war kasoo baxay Taliska AMISOM lagu sheegay inay kordhin doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, si goobaha ka maqan gacanta dowladda dib ugu soo celiyaan kahor doorashadda 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM