Weerar lagu qaadey saldhiga milatariga Soomaaliya ee Marka

Image

MARKA, Koonfur Galbed – Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa fiidnimadii caawa weerar ku ekeeyay saldhiga Soomaaliya ee duleedka Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Waafow, gudoomiyaha Marka, oo u waramay warsidaha Garowe Online, ayaa qiray in farisiinka oo ku yaala xaafada Ruusiya ee bariga magaalada lagu tuuray dhowr madaafiic.

Waafow oo khadka telefoonka kula hadlay GO ayaa sheegay in hoobiyeyaasha kadib ay is-rasaaseyn dhexmartay ciidamada iyo dagaalameyaasha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarka iyo iska hor-imaadka," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in ciidamada AMISOM ay madaafiic kaga jawaabeen duulaanka kaga yimid Al-Shabaab.

Cabsida laga qabo in jawaabtaas ay waxyeelo kasoo gaartay shacab ayaa sii kordheysay wallow Waafow uu ku adkeystay "haba-yaraatee ma jirto cid wax ku noqotay, balse waan hubin doonaa".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Marka laga hadlo dhanka bari, xerada la beegsaday ayaa ah kontaroolka koowaad ee laga galo magaalo madaxda gobolka Shabeellaha Hoose.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay sameynayaan ciidamadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM