Weerar lagu qaadey saldhiga milatariga Soomaaliya ee Marka

Image

MARKA, Koonfur Galbed – Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa fiidnimadii caawa weerar ku ekeeyay saldhiga Soomaaliya ee duleedka Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Waafow, gudoomiyaha Marka, oo u waramay warsidaha Garowe Online, ayaa qiray in farisiinka oo ku yaala xaafada Ruusiya ee bariga magaalada lagu tuuray dhowr madaafiic.

Waafow oo khadka telefoonka kula hadlay GO ayaa sheegay in hoobiyeyaasha kadib ay is-rasaaseyn dhexmartay ciidamada iyo dagaalameyaasha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarka iyo iska hor-imaadka," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in ciidamada AMISOM ay madaafiic kaga jawaabeen duulaanka kaga yimid Al-Shabaab.

Cabsida laga qabo in jawaabtaas ay waxyeelo kasoo gaartay shacab ayaa sii kordheysay wallow Waafow uu ku adkeystay "haba-yaraatee ma jirto cid wax ku noqotay, balse waan hubin doonaa".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Marka laga hadlo dhanka bari, xerada la beegsaday ayaa ah kontaroolka koowaad ee laga galo magaalo madaxda gobolka Shabeellaha Hoose.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay sameynayaan ciidamadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM