Weerar madaafiic ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay madaafiic ku garaaceen xaafado ka tirsan degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Rag hubeysan oo looga shakisan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ay weerareen Saldhiga AMISOM ee tuuladda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha.

Ma cadda hadii uu jiro khasaaraha kasoo gaaray dadka rayidka ah duqaynta ciidamadda Midowga Afrika, oo inta badan ay ku jawaabaan marka ay la kulmaan weerar culus, oo uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

"Waxaan maqalnay tiro Hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacday xafaado ka tirsan degaanka Ceelasha, taasoo ka dambeysay markii la weeraray Saldhiga AMISOM ee Arbacow," qof kamid ah dadka degaanka ayaa sidaas yiri.

Taliska AMISOM wali wax war kama uusan soo saarin weerarka, iyadoo xiriiro uu la sameeyay Warsidaha Garowe Online, xafiiskiisa Muqdisho aysan ka jawaabin.

Weerarka iyo duqaynta ayaa kusoo beegmaysa xili xalay oo Axad ahayd ay Al-Shabaab weerar culus ay ku qaadeen fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falalkaan ayaa waxay imaanayaa iyadoo magaaladda Muqdisho uu ka socdo qorshayaal isbedalo kala duwan loogu sameynayo amniga caasimadda, kadib markii uu fashil ku yimid qorshihii xasilinta ee xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM