Weerar qarax ah oo lagu fashiliyay degmada Luuq

Image

LUUQ, Soomaaliya - Sarkaal katirsan laamaha amniga Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax Al Shabaab ay qorsheynaysay inay ka fuliso degmada.

Sarkaalkan oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax, kadib howlgal ciidamada ka sameeyeen xaafadaha degmada.

Raggan la qabtey ayaa qirtay inay kamid yihiin Al Shabaab, islamarkaana loo soo diray inay weerar argagaxiso ku qaadeen saldhigyada ciidamada militariga dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada.

"Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa u suurta-gashy inay qabtaan labadan nin iyagoo qata walxaha qaraxyada laga sameeyo iyo hub kadib howlgal la sameeyay, iyadoo xogtooda laga helay bulshada," ayuu yiri Sarkaalkan la hadlay GO.

Lama oga goobta bartilmaameedka u ahayd raggan inay weerarka ka fuliyaan, balse waxay Saraakiisha sheegeen in wadaan baaritaano ku aadan inuu jiro weerar kale oo Al Shabaab la damacsan tahay Luuq.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerartay degmooyinka ku dhaw xuduuda Kenya ay Soomaaliya wadaagaan, gaar ahaan Ceel Waaq, Beled Xaawo iyo Luuq, iyadoo dishay Askar katirsanaa ciidamada Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Al Shabaab oo looga adkaaday inta badan gobollada dalka, ayaa wali awooda inay fuliso weeraro joogta ah oo ay ku qaadayso magaalooyinka ay dowladda maamusho, iyadoo khatar amni ku ah gobolka oo dhan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM