Weerar qarax ah oo lagu fashiliyay degmada Luuq

Image

LUUQ, Soomaaliya - Sarkaal katirsan laamaha amniga Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax Al Shabaab ay qorsheynaysay inay ka fuliso degmada.

Sarkaalkan oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax, kadib howlgal ciidamada ka sameeyeen xaafadaha degmada.

Raggan la qabtey ayaa qirtay inay kamid yihiin Al Shabaab, islamarkaana loo soo diray inay weerar argagaxiso ku qaadeen saldhigyada ciidamada militariga dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada.

"Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa u suurta-gashy inay qabtaan labadan nin iyagoo qata walxaha qaraxyada laga sameeyo iyo hub kadib howlgal la sameeyay, iyadoo xogtooda laga helay bulshada," ayuu yiri Sarkaalkan la hadlay GO.

Lama oga goobta bartilmaameedka u ahayd raggan inay weerarka ka fuliyaan, balse waxay Saraakiisha sheegeen in wadaan baaritaano ku aadan inuu jiro weerar kale oo Al Shabaab la damacsan tahay Luuq.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerartay degmooyinka ku dhaw xuduuda Kenya ay Soomaaliya wadaagaan, gaar ahaan Ceel Waaq, Beled Xaawo iyo Luuq, iyadoo dishay Askar katirsanaa ciidamada Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Al Shabaab oo looga adkaaday inta badan gobollada dalka, ayaa wali awooda inay fuliso weeraro joogta ah oo ay ku qaadayso magaalooyinka ay dowladda maamusho, iyadoo khatar amni ku ah gobolka oo dhan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM