Weerar qaraxyo la socdaan oo lagu qaadey xarun ku taal magaalada Gaalkacayo

Image

GAALKACAYO - Magalaada Gaalkacyo ayaa saaka  weerar Qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jira lagu qaaday Guri u degaana wadad la yiraahdo Cabdiweli Cali Cilmi oo ku yaal duleedka koonfureeed ee xarunta gobolka Mudug.

Wariyaal Galkacayo ku sugan ayaa u sheegay GO in wararka horudhaca ah ay sheegayaan in wadaadkii iyo dadkale ay goobta ku geeriyoodeen iyadoo tirada dhimashada gaareyso 20 Ruux.

Goobta weerarkaan uu ka dhacey oo ku taal magaalada Galkacayo dhinaca maamulka  Galmudug maamulo ayaa la sheegay in  ay gaareen Ciidamada Danab ee Dowlada Federalka waxaa weli rasaas laga maqlayaa goobtaas iyadoo la sheegayo in kooxihii weerarka soo qaadey gudaha ugu jiraan.

Ninkaan la weeraray ayaa caan ku ahaa Xadro iyo Music baraha bulshada la soo galin jiray oo qaarkood dhowr jeer muran iyo shaki badan dhaliyey Muslinimadiisa.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ku khaarajinyeen Cabdiweli Cali Cilmi iyo 11 kale oo ilaaladiisa ahaa.

GAROWE ONLINE kala soco wararka dambe ee la xiriira weerarkaan.

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM