Weerar qaraxyo la socdaan oo lagu qaadey xarun ku taal magaalada Gaalkacayo

Image

GAALKACAYO - Magalaada Gaalkacyo ayaa saaka  weerar Qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jira lagu qaaday Guri u degaana wadad la yiraahdo Cabdiweli Cali Cilmi oo ku yaal duleedka koonfureeed ee xarunta gobolka Mudug.

Wariyaal Galkacayo ku sugan ayaa u sheegay GO in wararka horudhaca ah ay sheegayaan in wadaadkii iyo dadkale ay goobta ku geeriyoodeen iyadoo tirada dhimashada gaareyso 20 Ruux.

Goobta weerarkaan uu ka dhacey oo ku taal magaalada Galkacayo dhinaca maamulka  Galmudug maamulo ayaa la sheegay in  ay gaareen Ciidamada Danab ee Dowlada Federalka waxaa weli rasaas laga maqlayaa goobtaas iyadoo la sheegayo in kooxihii weerarka soo qaadey gudaha ugu jiraan.

Ninkaan la weeraray ayaa caan ku ahaa Xadro iyo Music baraha bulshada la soo galin jiray oo qaarkood dhowr jeer muran iyo shaki badan dhaliyey Muslinimadiisa.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ku khaarajinyeen Cabdiweli Cali Cilmi iyo 11 kale oo ilaaladiisa ahaa.

GAROWE ONLINE kala soco wararka dambe ee la xiriira weerarkaan.

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM