Weerarkii Al-Shabaab ku gashay Pearl Beach Hotel oo lasoo afjaray

Image
Ku dhowaad 10 qof oo u badan dad shacab ah ayaa illaa haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in lasoo afjaray weerarkii ay dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay fiidnimadii xalay ku galeen maqaaxida iyo hotelka ku yaala xeebta Liido ee Pearl Beach.

Ciidamadda ammaanka ayaa la sheegay in ay xoogteen dhamaan dableydii soo qaadey weerarka kuwaas oo tiradooda ay warar horudhac ah ku sheegeen illaa lix — saddex ismiidaamiyeyaal ahayd iyo saddex kale oo dabley aheyd.

Ku dhowaad 10 qof oo u badan dad shacab ah ayaa illaa haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen weerarkan. Saraakiisha caafimaadka waxay tibaaxeen in dhaawaca uu kor-u-dhaafayo illaa 20 ruux kale oo u badan dad rayid ah.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida oo dusha saartey mas'uuliyadda weerarkan ayaa tibaaxay in ay ku bilowday  laba qarax is-miidaamin ah ayna xigtey dableyda u daadatay dhismaha mehradda.

Saddex qof oo goobjoogeyaal ah oo si dirqi ah ku badbaadey ayaa u sheegay Garowe Online in kooxda hubeysan ay bilaabeen in ay si aan kala sooc lahayn u toogtaan dadka ku sugnaa banaanka barxadda.

"Iyadda oo rasaasta ay socoto ayaa waxaa qarax saddexaad uu ka dhacay dhanka albaabka balse ma hubo in uu ahaa is-qarxin iyo gaari kale oo banaanka ku qarxay," ayuu yiri Aadan Maxamed Nuur, oo ah goobjoogaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in bartilmaameedka weerarka uu ahaa maqaayadda Pearl Beach waxaana ay sheegeen in ay baarayaan qaabka uu u dhacay.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino dhanka ammaanka ah iyo macluumaad mukhaabaraad oo sheegaya in ay socdaan qorsheyaal weeraro looga geysanayo magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM