Weerarkii Muqdisho oo lasoo afjaray iyo Khasaraaha oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii Al shabaab xalay ku qaaday Villa Soomaaliya, iyadoo khasaaraha dhimashada ay marayso ku dhawaan 30 qof.

Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow oi Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ay dileen 5 dagaalyahan oo weerarka soo qaaday kuwaasi oo ku lebianaa Dareeska Ciidanka Booliska.

Wasiirka waxa uu ka gaabsaday inuu fahfaahin ka bixiyo khasaaraha weerarka kasoo gaarey Askarta dowladda iyo Shacabka.

Weerarka oo qaatey mudo ka badan 3 saacadood ayaa ku billowday Qarax Gaari oo ka dhacay Saaladii Maqribka xilli lagu jiray barkoontarool oo Ciidamada ay ku leeyihiin Sayidka, oo ku dhaw Villa Soomaaliya iyo Xarunta Baarlamaanka.

Qaraxa labaad oo isna ahaa mid Gaari ayaa ka dhacay Isgoyska Jubba (KM-0) halkaasi oo Ciidamada NISA ay ka difaacaan xaruntooda Habar-Khadiija.

Askari Labo Alifle ay oo magaciisa Bishaar lagu soo koobay, kana tirsanaa Ilaalada Villa Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa hore isagoo isku dayay inuu Gaariga ku celiyo Barta Koontaroolka Bashir Gate.

Xildhibaan Dhag-Dheer oo kamid ah Aqalka Sare ayaa sheegay in Dawalka Gaarigiisa uu kamid yahay dadka ku dhintay weerarka xilli uu ku sugnaa Hotel-ka dhawaan la daahfuray ee Doorbin (Ex Baar FIAT).

Wèerarkan ayaa lagu soo beegay maalmo kadib markii Gollaha Wasiirada ay meel mariyeen Taliyeyaasha Booliska iyo NISA. Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Muqdisho kama dhicin weerar noocan ah tan iyo markii Xilka laga qaadey Sanbaloolshe October 2017 oo NISA iyo  Booliska ay ahaayeen Taliyeyaal la'aanta 4 bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM