Weerarkii Otto Otto oo galaaftay xilka Mas'uul sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka, Maxamed Abuukar Islow ayaa xilkii ka qaadey Cabdicasiis Xildhiabaan, oo ahaa afhayeenka Wasaaradda amniga, kadib markii war aan laga fileynin ka sheegay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa xilkiisa ku waayay inuu hay'adaha amniga dowladda ku dhaliilay inay ka gaabiyeen kahor tagista weerarkii sabtidii A-Shabaab ku qaadey xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaarada amniga iyo arrimaha gudaha.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa shaki geliyay weerarkii Otto Otto in Al-Shabaab kaliye ka dambeysay, isagoo muujiyay inay jirto wadashaqeyn ay ka heleen hay'adaha amniga, maadaama dableyda hubaysa ay si fudud ku galeen dhisamaha.

Laakiin, Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa ku doodaya in isaga uu iska casiley xilka shan cisho kahor, islamarkaana warqada hadda kasoo baxday Wasiir Islow ay tahay mid lasoo saarey kadib markii uu shaqada faarujiyay.

"Anigoo ka jawaabaya qoraal uu hadda i soo gaarsiiyay Xoghaynta wasiir AMNIGA oo ku saabsan Qoraal la been abuuray in uu soo baxay 05/July/2018 in laga iga qaaday Xilkii Afhayeenka wasaaradda amniga, waxaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan u gudbiyay in aan iska CASILAY xilkaasi 07/07/2018 ka dib weerarkii lagu soo qaaday Xarunta wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha markii aan isugu tagnay Taliska NISA ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay joogeen saraakiil ka tirsan dowladda. Wixii su'aalo ah waxaan ka jawaabayaa maalinnimada berrito ah," ayuu ku yiri Cabdicsiis Xildhibaan qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay.

Hadalka Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmayaa xilli uu shalay oo Axad ahayd sheegay in madaxda dowladda ay ku fashilmayn qorshaha amaanka caasimadda, islamarkaana ay yihiin kuwa lacag doon ah, siduu hadalka uyiri.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii qaraxyo iyo weerar toos ah lagu qaaday Wasaaraddaha Amniga ee xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, ayna ku dhaawacmayn tiro dad oo intaas ka badan.

Afhayeenka ayaa xilkan hayay mudo kooban, isagoo intii uu xafiiska joogay u qaabilsanaa Wasaaradda inuu warabaahinta la hadlo markii ay weeraro iyo qaraxyo ka dhacaan magaalada Muqdisho. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM