Weerarkii Otto Otto oo hareeyay Shirka Gollaha Wasiiradda [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka todobaadlaha ah ee Gollaha Wasiiradda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii 7-dii bishaan July ay ka dhacay xarunta Otto Otto oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow, ayaa Gollaha siiyay warbixin kooban oo ku saabsan qaabka uu u dhacayay weerarkaas, islamarkaana wali soconayo baaris ay wadaan hay'adaha amniga dowladda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka, ayaa daboolka ka qaaday in faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan weerarkaas dhawaan lasoo bandhigi doono.

Wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in kulanka Gollaha Wasiiradda looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Daahir Maxmuud Geelle ayaa soo bandhigay qorshaha soo noo-laynta barnaamijka waciyi-gelinta, kaasoo uu sheegay inuu yahay mid habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka ay uga faa’iideestaan.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, ayaa u sharcay Gollaha Wasiiradda Sharciga hanti-dhawrka, kaasoo u madax baneynaya howlahiisa gaarka ah, iyadoo dood badan laga yeeshay arrintaas.

Ugu dambeyn, golaha wuxuu meel-mariyay siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta kaasoo lagula xisaabtamayo hay’addaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

Shirkaan oo ka qabsoomay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa shir-gudoominayay Wasiirka 1aad ee xukuumadda Xasan Cali Khayre, kaasoo ayaa kamid ah dastuuri ah inuu dhaco Isbuuc walba marka laga soo tago inay jirto xaalad lagama maarmaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM