Askar badan lagu dilay Weeraro ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

BUULA MAREER, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weeraro dhowr ah oo Al Shabaab maanta ku qaadey Saldhigyo Ciidamada Uganda ee AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarada oo gaaraya illaa lix ayaa midka ugu xoogga badan waxa uu ka dhacay Buula-Mareer kadib markii Al Shabaab ay weerar ku billowday labo qarax oo ismiidaamin ah ku qaadey saldhiga Ciidamada Uganda halkaasi ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Afhayeenka Al Shabaab dhanka howlgallada Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyay in 59 Askari oo u dhashay Uganada ay ku dileen weerarka, isagoo intaasi ku daray in dhankooda ay ku waayeen 14 xubnood oo ahaa kuwa howlgalka fuliyay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale jidka u gashay oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ku weerartay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo gurmad ah oo katirsan AMISOM oo kasoo ruqaansadey deegaanka Golweyn xilli ay kusii jeedeen Buula Mareer.

Waxaa sidoo kale, Al shabaab ay madaafiic ku tuurtey saldhigyada AMISOM ee Qoryooley, Danow iyo Maryan Gubaay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha madaafiicdaasi.

AMISOM wali kama aysan hadlin weerarada iyo khasaaraha kasoo gaarey Askarteeda.

Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu badan AMISOM ayaa boqolaal Askari looga dilay weeraro saldhigyadooda Al Shabaab ku qaadey, waxaana ugu dhimasho badnaa midkii ka dhacay Janaale bishii September 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM