Weeraro ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa labo weerar ku qaadey goobo kala duwan, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose maanta oo Arbaco ah.

Saraakiisha amniga gobolka ayaa xaqiijiyay in weerarka hore uu ka dhacay degaanka Ceel-Saliini, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay isku dayeen inay dagaal toos ah ku galaan saldhi ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarka Ceel-Saliini oo billowday 2 a.m. [Saqdii Dhexe xalay], ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay u suura-gashay inay mudo kooban la wareegto saldhiga militeri, iyadoo dagaalyahanada Kooxda ay gubeen dhowr gaari oo kuwa ciidanka ah.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe dib ula wareegay saldhigooda, waxaana wararku ay sheegayaan in Al-Shabaab ay halkaasi ka boobtay saanad militeri, oo hub u badan, sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Weerarka labaada ayaa lagu qaadey degmada Qoryooley, oo 120-KM dhanka Koonfur uga beegan Muqdisho waaberigii saakay, saacadu markay ahayd 5 a.m., waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo khasaaro kasoo gaarey Al-Shabaab.

Saddex xubnood oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalka Qoryooley, kaasoo ku billowday qaraxyo lagu burburiyay laba buundo oo laga soo galo magaaladda, oo gacanta dowladda ku jirtay tan iyo sanadkii 2014-kii.

Weerarada ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka ay ka socdaan howlgallo militeri oo ay kawada qeyb-qaadanayaan ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa Mareykanka, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarayo dhamaan degaanada wali ku harsan gacanteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM