Wiil la dhashay gabadhii isku-qarxisay xafiiska duqa Muqdisho oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa haya wiil la dhashay haweenaydii isku qarxisay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019, sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Qaraxaas oo ay Al-Shabaab dusha saaratay mas'uuliyadiisa ayaa lagu laayey mas'uuliyiin uu kamid yahay duqii Muqdisho ahaanna gudoomiyaha gobolka Banaadir, marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

Injineer Yariisow ayaa 1-dii bishii August sanadkan 2019 wuxuu ugu dhintay waddanka Qadar dhaawac daran oo is-miidaamintaasi kasoo gaaray.

Sidda ay sheegtay dowladda Soomaaliya, weerarkaas waxaa fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo ahayd xiriiriyihii arrimaha naafada ee gobolka Banaadir.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in magacaas uusan ahayn midka dhabta ah. Maryam Cabdiraxmaan Abiikar Muxamed waa kan saxda ah.

Maryan, oo waalidkeeda ay ku nool yihiin magaaladda Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, ayaa kamid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xubnaha araga la'.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Muxumed, oo la dhashay Maryan, ayaa waxa uu haatan u xiran yahay xukuumadda Muqdisho muddo 50-casho ah.

Sidda laga soo xigtay Galka Baarista ee ka baxa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Cabdullaahi ayaa kamid ah tirro dad ah oo loosoo qabtay weerarkaas, kuwaasi oo wajahaya su'aallo waydiino.

Saraakiisha amniga ayaa ku adkeysanaya in baaritaanka uu wali socdo, iyaga oo daboolka ka qaadey in ay natiijadda kama dambeysta ah soo bandhigi doonan.

Hay’adda nabad-gelyadda ayaa baadigoobaya Hodan Xasan, oo Maryan caawineysay. Magaceeda afgadarashada waa Degan Cabdullaahi Cali.

Qoyska ay kasoo jeedo Maryan oo aan beenin sheegashada dowladda oo ku aadan in ay Basiira is-qarxisay ayaa meesha ka saarey in ay xubin ka ahayd Al-Shabaab.

Hooyadeed, Faaduumo Cali Abuukar oo ku magac dheer Shiino, ayaa waxay Al-Shabaab ka caawisaa tashkiilinta iyo hilitaanka taageeradda dhanka dumarka.

Xasan Muxumed Abiikar, adeerkeed, waana sidoo kale saraakiisha sar-sarre ee dhanka canshuurta u qaabilsan Al-Shabaab.

Galka Baarista ayaa sidoo kale wuxuu ku waramayaa in hooyadeed ay mar u diidey mas'uul soo doontay Maryan iyadda oo ku tiri: "Nin aysan kasoo ureyn rasaasta Mujaahidiintu laguma darayo gabadhayda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM