Xaaf oo Khilaafka Galmudug ku eedeyay Dowladda Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Gelle [Xaaf] oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in khilaafka cusub ee soo ifbaxay, ee u dhaxeeya Madaxda maamulkiisa ay ku lug-leedahay dowlada Federaalka.

Wuxuu ugu baaqay dowlada inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ah ee maamulkiisa, islamarkaana ay umadax-banaaneyso iyaga, taasoo uu sheegay hadii aysan dhicin ay ka dhalan karto dhibaatooyin badan.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu sii xoogey-sanayo khilaaf salka ku hayao hanaanka awood-qeybsi ee maamulka Galmudig, kaasoo sababay inuu Labo Garab ukala jabo maamulkaan.

Labada dhinac ayaa waxay kala tageen Cadaado iyo Dhuusa-mareeb, garabka Cadaado waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kaasoo sheegay inay aqoon-saneen xubno Xilldhibaano dhowaan lagu soo biiryay Baarlamaanka Galmudug.

Shalay ayay ahayd markii xukuumada Soomaaliya ic-laamisay shir ay sheegtay inay ku heshiisiineyso madaxda Galmudug ee khilaafku udhaxeeyo iyadoona sheegtay inay 30-ka bishaan uu ka dhacayo kulan arinkaas ku saabsan Muqdisho

Laakiin, Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu hada umuuqdaa mid kasoo horjeestay shirka iyo fara-gelin uu sheegay inay maamulkiisa ku sameynayo dowlada, wuxuuna ugu baaqay xukuumada Muqdisho inay umadax baneyso arrimahooda gudaha.

Sikastaba, warkaan kasoo yeeray Xaaf ayaa wuxuu waji gabax uu ku noqonayaa dowlada Federaalka iyo dadaaladii dhax-dhaxaadinta ahaa oo ay waday, iyagoona ay hada umuuqato inuu sii xoogeysanayo khilaafka. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM