Xaaf oo Khilaafka Galmudug ku eedeyay Dowladda Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Gelle [Xaaf] oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in khilaafka cusub ee soo ifbaxay, ee u dhaxeeya Madaxda maamulkiisa ay ku lug-leedahay dowlada Federaalka.

Wuxuu ugu baaqay dowlada inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ah ee maamulkiisa, islamarkaana ay umadax-banaaneyso iyaga, taasoo uu sheegay hadii aysan dhicin ay ka dhalan karto dhibaatooyin badan.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu sii xoogey-sanayo khilaaf salka ku hayao hanaanka awood-qeybsi ee maamulka Galmudig, kaasoo sababay inuu Labo Garab ukala jabo maamulkaan.

Labada dhinac ayaa waxay kala tageen Cadaado iyo Dhuusa-mareeb, garabka Cadaado waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kaasoo sheegay inay aqoon-saneen xubno Xilldhibaano dhowaan lagu soo biiryay Baarlamaanka Galmudug.

Shalay ayay ahayd markii xukuumada Soomaaliya ic-laamisay shir ay sheegtay inay ku heshiisiineyso madaxda Galmudug ee khilaafku udhaxeeyo iyadoona sheegtay inay 30-ka bishaan uu ka dhacayo kulan arinkaas ku saabsan Muqdisho

Laakiin, Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu hada umuuqdaa mid kasoo horjeestay shirka iyo fara-gelin uu sheegay inay maamulkiisa ku sameynayo dowlada, wuxuuna ugu baaqay xukuumada Muqdisho inay umadax baneyso arrimahooda gudaha.

Sikastaba, warkaan kasoo yeeray Xaaf ayaa wuxuu waji gabax uu ku noqonayaa dowlada Federaalka iyo dadaaladii dhax-dhaxaadinta ahaa oo ay waday, iyagoona ay hada umuuqato inuu sii xoogeysanayo khilaafka. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM