Xaaf oo la sheegay in uu "la heshiiyey" hogaanka cusub ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay "la heshiiyeen" Axmed Ducaale Geelle [Xaaf].

Cali Ciid, madaxweyne ku xigeenka Galmudug garabka Villa Soomaaliya, ayaa tilmaamay in "la xaliyey tabashooyinkii Xaaf".

Isagoo wareysi gaar ah siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, wuxuu daboolka ka qaadey in xalka lagu dhawaaqi doono, dhowaan.

Hadalka Ciid ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Ahlu Sunna ay hubka ku wareejisay Dowladda kuna tanaasushay siyaasadda.

Xaaf, oo aan wali ka jawaabin hadalka Ciid, ayaa ku sugan koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. 

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ay socoto qaban-qaabada "caleema saar loo wada dhan yahay".

"Hadii uu Ilaahey raali ka noqdo waxaan rajeynaynaa in caleema saarka uu noqdo mid ay garbaheena taagan yihiin madaxdii naga soo horjeeday," ayuu ku nuux-nuux saday Mr Cali Ciid.

Doorashadii ay dowladda Soomaaliya ku qabatay Dhuusamareeb ayaa sii kaa fogeeyay saamileyda, oo ayiday baahida loo qabo is-maqal iyo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM