Xaaf oo shaaciyey "sababta loo gubay" Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Image

GAALKACYO, Galmudug – Axmed Ducaale Geelle Xaaf, "madaxweynaha" maamulka Galmudug, ayaa wuxuu meesha ka saarey in dabka ka kacay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya "uu ka dhashay koronto".

Saq dhexe 28-kii Janaayo 2020 ayay ahayd markii lasoo wariyey dab qabsaday qol ku yaala qeybta dambe ee Bangiga oo ku yaala degmada Shangaani ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Bangiga ayaa lagu shaaciyey in uusan jirin khasaaro buuran oo ka dhashay dhacdadaas marka laga reebo waxyeelo soo gaarey dhismaha iyo fiilooyin.

Bayaanka ayaa lagu tibaaxay in sababta keentay dabka ay tahay koronto, isla markaana si degdeg ah loo damiyey.

Hase ahaatee, Xaaf ayaa rumeysan in Bangiga Dhexe "si ola kac ah" dab loo qabad-siiyey, wallow uusan shaacin cidda ka dambeysay.

Isagoo u waramayay Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa VOA-da, Xaaf ayaa xusay in talaabadaas loo qaadey "si loo qariyo lacago ka ku jiray Bangiga oo Galmudug lahayd".

Isagoo cadadka lacagta ku sheegay lix milyan oo Doolar, xukuumadda federaalka ah ayuu daaha ka rogay "in ay u adeegsatay doorashooyinka Galmudug".

Dhanka kale, "madaxweynaha" ayaa carabka ku dhuftay in wada-hadalo hoose ay leeyihiin hogaanka ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ma dooneyso wada-hadalo waxay rabtaa in ay wax boobto, taasna mid aan yeelayno maahan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Xaaf oo ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa sameystay "baarlamaan" kuwaasoo u doortay "madaxweyne iyo ku xigeen", wuxuuna wacad ku maray in uusan aqbali doonin natiijada coddeynta Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM