Xaaf oo shaaciyey sababta soo cusbooneysiisay khilaafka DF

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], ayaa fahfaahin ka bixiyey talaabooyinkiisii u dambeeyay ee uu qaadey kadib markii uu ka degay Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Xaaf ayaa 2-dii Janaayo, 2020-ka, ku dhawaaqay in uu wakiilnimadii kala noqday xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

3-dii Janaayo, 2020, ayuu magacaabay Guddi doorasho, tani waxay sarre u qaadey cabsi laga qabo in ay Galmudug yeelato laba madaxweyne.

Isagoo sharaxaya guddiga uu magacaabay ayaa yiri "Guddiga waa guddigii farsamadda, maadaama guddigii hore la baabi'iyey, sidda ugu dhaqsiyaha badan ayey ku shaqo gelayaan".

Mar ay VOA Soomaali waydiisay waxa uu ka dhigan guddigiisa ayuu intaas raaciyey "wuxuu ka dhigan yahay kii hore ma jiro, maadaama kii hore jirin waa in uu jiraa kani".

Hogaamiyaha Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay in sababta soo cusbooneysiisay khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya ay tahay "wadatashi la'aan".

"Wax kasta oo horey u jiray iyagaa fulin waayey, waa ka baxeen, maxaa yeelay waxay ahayd in aan shaqada wada wadno, waxay ahayd in waxa la qabanayo isla eegno, kuli way ka bayreen," ayuu xusay.

Xaaf ayaa meesha ka saarey in talaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaadey ay xiriir la leedahay qoondada Ahlu Sunna laga siiyey baarlamaanka Galmudug oo ah 20 Xildhibaan.

"Cuqdad waxaa nooga daran 69-ka haray jeebka ayay ku jiraan waa sameysan yihiin, waxaan ka hortageyno waxaas ayaa kamid ah," ayuu tibaaxay. "Waxay jeebka ugu jiraan Dowladda Federaalka".

Guddiga doorashooyinka ee haatan maamulaya doorashooyinka Galmudug ayuu ku sifeeyay kuwa dhamaantooda ah "shaqaalaha Villa Soomaaliya".

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xaaf oo dowladda iyo guddiga ku eedeeyay "in ay marin-habaabiyeen doorashadda Galmudug" ayaa cod dheer ku sheegay in go'aanadiisu yihiin "kuwa looga hortagayo cabashada beelaha".

WAREYSIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM