Xaaf oo ayiday go'aanka Ahlu sunna iyo murashaxiinta ee doorashada

Image

GAALKACYO, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay Ahlu Sunna iyo murashaxiinta madaxtinimada ka qaateen doorashada Galmudug.

Iyagoo cuskanaya "faragelinta iyo afduubka dowladdu ku sameysay geedi u socodka xulista baarlamaanka," murashaxiinta iyo Ahlu Sunna ayaa qaadacay coddeynta.

Go'aankaan ayaa yimid markii Ahlu Sunna loo diiday codsi ku saabsanaa in ay majaraha u qabato guddiga baarlamaanka labaad ee maamulkaas u saarey doorashadda madaxtooyada.

Dhanka kale, Xaaf ayaa war-saxaafadeed kusoo jeediyeeyay in la joojiyo dhaqdhaqaaqyada doorasho ee ka socda Dhuusamareeb isla markaana la xaliyo culeyska soo kordhay.

Sidda laga soo xigtay warqada Xaaf, "inta badan Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug waa shaqaale dowladeed, agaasimeyaal iyo ilaalada madaxda qaranka".

Siyaasiyiinta oo ka digay in leyska indhatiro xalinta murankaan ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Galmudug ay yeelato maamul kala dhantaalan ama aanan mid ahayn.

Geedi u socodka doorashooyinka Galmudug oo bilooyin qaatay ayaa natiijada kasoo baxday lagu sifeeyay "baarlamaan aan loo dhameyn, tabashooyin iyo khilaaf soo cusboonaadey".

Hoos ka akhriso qoraalka Xaaf

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM