Xaaf oo qorshaha DF ee Galmudug ku lifaaqay doorashada 2020

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweyne Axmed Maxamed Ducaale [Xaaf] oo ka hor-yimid liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa sheegay in uu la xisaabtami doono cidii soo bandhigtay "liiskaas been abuurka ah".

Sidda laga soo xigtay xafiiskiisa, talaabooyinka ay xukuumadda ka waddo Dhuusamareeb "waxay tusaale u yihiin" nooca ay rabto in ay noqoto doorashadda ay dooneyso in ay dalka ka dhacdo 2020.

Doorashooyinku oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod ayaa haatan laga muujinayaa shaki, maadaama Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay "isku koobtay" taladda dalka.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa Jimcadii soo bandhigay liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Liiska tirro ahaan ka kooban 83 mudane ayaa 20 kamid ah waxaa soo xulatay Ahlu Sunna Waljameeca kadib heshiis ay la gashay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aaday iyaddoo ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan nidaamka loosoo xulay oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

Guddiga ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhameystiri doono lix xubnood oo ka dhiman tiradda guud ee baarlamaanka Galmudug oo ah 89 Xildhibaan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Guddiga ku sugan Dhuusamareeb ayaa magacaabay guddi doorasho oo ku shaqeynaya Gaalkacyo.

Tani oo soo cusbooneysiisay khilaafka arrimaha doorashooyinka Galmudug ayaa waxay sare u qaadey cabsida laga qabo in maamulka Galmudug uu yeesho laba hogaan.

Puntland oo ku waanisay xukuumada federaalka Soomaaliya in ay joojiso "qaadashada doorka Galmudug" ayaa dowlada madaxweyne Farmaajo waxay ku tartarsiisay in ay shacabka u madax-banaaneyso ismaamulkooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM