Xaashi oo beeniyay war laga faafiyey khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka muddo dhaafay ee Soomaaliya ayaa qashinka ku daray in heshiis laga gaarey muranka ka taagan guddiga maamulaya xulista wakiiladda Somaliland.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qoraal laba bog ka kooban soo saarey Arbacada maanta ah ayaa ku eedeeyay madaxweynaha iyo xukuumadda waqtiga ka dhamaadey "in ay faafiyeen warar xaqiiqadda ka fog".

Dhawaqa Xaashi ayaa kusoo hagaagaya xilli guddiga farsamadda xalinta is-faham-waaga doorashooyinka ay xalay ku dhawaaqeen in xal loo helay qodobadii kasoo laabtey heshiiskii 17-kii September sanadkii hore 2020-kii.

Guddiga oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku shirsanaa caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa daaha ka rogay in ay madaxda dowladda iyo maamuladda la wadaageen "soojeedino xal ah".

Golaha Wadatashiga Qaranka ayay ugu baaqeen shir ay isugu yimaadaan 18-ka Febraayo, 2020 balse ma carabaabin goobta uu ku qabsoomayo.

Dhanka kale, Xaashi ayaa meesha ka saarey in kala qeybsanaan ay ka dhex-jirto siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo jeeda Somaliland ee kamidka ah dowladda uu waqtiga ka dhamadey "balse waxaa jira damac ku aadan dib-u-doorashadda madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaadey".

"Ugu dambeyntii, dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi waxay xaq u leeyihiin diyaarna u yihiin in ay ka qeybgalaan oo taladooda ku biirayaan kulamadda dambe ee xal u helida arrimaha taagan ee ku geedaaman doorashooyinka dalka si ay ku dheehan tahay midnimo iyo Soomaalinimo," ayaa lagu soo xiray qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Mabda' ahaan in uu dhaco kulan looga arrin-sanayo khilaafka doorashooyinka 20202-1 way ka mideysan yihiin dhinacyadda is-haya balse waxay ku kala aragti duwan yihiin ka qeybgaleyaasha iyo goobta uu ka dhacayo.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM