Xaaska hogaamiyaha Daacish-ta Somalia oo dalbaneysa magdhow [Sababta]

Image

MUQDISHO, Somalia - Xaaska hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya ayaa ku eedeysay sirdoonka dalka Ingiriiska inay u geysteen jirdil.

Eedaymaha Muna Cabdalla ayaa ku khasbi kara xukuumada London inay bixiso aduun dhan hal milyan oo Yuuroo, waa hadii ay maxkamad caddeyso eedeymahaan.

Haweeneydaan oo ah Soomaali-British ayaa ka tabaneysa; in la jeebeeyay, birar lagu garaacay, lana baah-dilay kahor inta aan la su’aalo la waydiin.

Dhibaatadaan ayay tibaaxday in loo geystay sanadkii 2013-kii, markaasi oo lagu xiray garoonka diyaardaha magaalada Boosaao xili ay booqatay seygeeda Cabdiqaadir Muumin.

"Afka ayaa laga rixay, taasi oo dhibaato ku noqotay inay neef-sato. Waxaa loogu hanjabay in la dilayo…Waa la argagax-geliyay, hurdada ayaa loo diiday," sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxkamada.

Dukmiintiyada ayaa intaas ku daraya in haweeneyda ay su’aaleen labo qof, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Britain.

Wargeyska Daily Mirror ayaa daabacay in maxkamada sare ee Ingiriiska ay u ogolaatay dowlada in qayb kamid ah dhageysiga dacwadahaan gaar ahaan meelaha xasaasiga ah ay u dhacdo si qarsoodi ah.

Muna ayaa ku nool magaalada Berkshire ee UK balse seygeeda, oo qaatay dhalashada Sweden ayaa laga mamnuucay Ingiriiska 2010-kii inuu taageero ururka Al-Shabaab.

Muumin, oo tan iyo 2015-kii madax u ahaa Daacishta Soomaaliya, ayaa lala xiriirinayaa Jihadi John, kaasi oo u dhashay UK, laguna dilay duqayn dalka Suuriya sanadkaaasi.

Qareenka Muna Cabdalle, kaasi oo lagu magacabo Shubhaa Srinivasan ayaa rumeysan inay hayaan caddeymo ku aadan gal-dacwadeed. Balse, wasaarada arrimaha dibada wali kama aysan hadlin.

Dowlada Ingiriiska ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay inay ku jirdil-dishay muwaadiniin dhowr ah dalal kala duwan, iyada oo in ka badan 20 milyan oo Yuuroo siisay wax ka badan 20 dhibanayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM