"Xaaska" hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo xukun lagu riday

Image
Fartuun Cabdirashiid Xuseen ayaa ciidamadda ammaanka waxay kasoo qabteen xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hay’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Khawaarijta Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto inkasto deegaan rasmi ah u ahaa Gaalkacyo.

2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM