"Xaaska" hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo xukun lagu riday

Image
Fartuun Cabdirashiid Xuseen ayaa ciidamadda ammaanka waxay kasoo qabteen xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hay’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Khawaarijta Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto inkasto deegaan rasmi ah u ahaa Gaalkacyo.

2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM