Xafiiska madaxweynaha oo ka falceliyey siyaasiyiin eedeyn jeedisay

Image
Jawaabta ayaa noqotay in siyaasiyiintaas uu "dhowaan qasbi doono waayaha".

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka falceliyey siyaasiyiinta muujiyey in ay ka aragti-duwan yihiin sidda loo maareynayo "kacdoonka shacabka" ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lataliyaha arrimaha ammaanka Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo muuqdey maqaal ay daabacdey BBC-da qeybta dibada la hadasha ayaa tibaaxay in siyaasiyiintaas uu dhowaan "qasbi doono" waayaha".

Xuseen Sheekh Cali [Damuumaaye] oo si aan toos ahayn ugu tilmaamay siyaasiyiintaas uusan magacyadooda carabaabin "in ay carqalad ku yihiin" ololaha la doonayo in lagu soo afjarayo "koox caan ku ah cadownimo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mr Damuumaaye ayaa hoosta ka xariiqay in istaraatiijiyada la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay kooxda dajisay ee loogu magacdaray "kacdoonka shacabka ay mirodhal noqoneyso".

"Maadaama caadifada ka dhanka ah Al-Shabaab ay faaftey, siyaasiyiintaas lama arki doono iyaga oo carqaladeynaya ama kula dhaleeceynaya dowladda federaalka," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Howlgaladda ay dadka degaanka qeybta ka yihiin oo bilooyinkii lasoo dhaafay si xowli ah uga socdey gobolada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Galgaduud iyo qeybo kamid ah Mudug ayaa haatan hakad galay.

Warbixino laga helay illo wareedyo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in sababaha hakadka geliyey ololahan milatari ay qeyb ka tahay gabaabsi dhanka saadka ah isla markaana dowladda haatan raadineyso sahay badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM