Xafiiska madaxweynaha oo ka falceliyey siyaasiyiin eedeyn jeedisay

Image
Jawaabta ayaa noqotay in siyaasiyiintaas uu "dhowaan qasbi doono waayaha".

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka falceliyey siyaasiyiinta muujiyey in ay ka aragti-duwan yihiin sidda loo maareynayo "kacdoonka shacabka" ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lataliyaha arrimaha ammaanka Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo muuqdey maqaal ay daabacdey BBC-da qeybta dibada la hadasha ayaa tibaaxay in siyaasiyiintaas uu dhowaan "qasbi doono" waayaha".

Xuseen Sheekh Cali [Damuumaaye] oo si aan toos ahayn ugu tilmaamay siyaasiyiintaas uusan magacyadooda carabaabin "in ay carqalad ku yihiin" ololaha la doonayo in lagu soo afjarayo "koox caan ku ah cadownimo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mr Damuumaaye ayaa hoosta ka xariiqay in istaraatiijiyada la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay kooxda dajisay ee loogu magacdaray "kacdoonka shacabka ay mirodhal noqoneyso".

"Maadaama caadifada ka dhanka ah Al-Shabaab ay faaftey, siyaasiyiintaas lama arki doono iyaga oo carqaladeynaya ama kula dhaleeceynaya dowladda federaalka," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Howlgaladda ay dadka degaanka qeybta ka yihiin oo bilooyinkii lasoo dhaafay si xowli ah uga socdey gobolada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Galgaduud iyo qeybo kamid ah Mudug ayaa haatan hakad galay.

Warbixino laga helay illo wareedyo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in sababaha hakadka geliyey ololahan milatari ay qeyb ka tahay gabaabsi dhanka saadka ah isla markaana dowladda haatan raadineyso sahay badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM

India oo Beenisay Wararka Ku Saabsan Wadahadalka iyo Aqoonsiga Somaliland

Cadeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli dood caalami ah oo xasaasi ah laga wado xaaladda Somaliland.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:30AM