Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo xoghaye cusub yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Mr Nuur oo saaxada siyaasadda ku cusub ayaa bedelaya Cabdirsaaq Caato kaasoo kamid ahaa gacanyarayaasha madaxweyne Farmaajo isla markaana jagadan loo dhiibay markii uu is-casilay Xasan Cali Khayre.

Caato oo xilka si ku meelgaar ah u hayey ayaa 1-dii August, 2020 waxaa laga xayuubiyey xilka isaga oo lagu bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim.

Inkasta oo kalkii dambe dib loogu magacaabay xilkaas, haddana eryidaas waxay timid ka gedaal markii uu ku lug-yeeshay fal la doonayey in gaari Bullef-proof ah loogala wareego mas'uul ku dhowaa Khayre.

Xoghayaha cusub oo kamid ahaa bareyaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa siyaasadda soo galay ka gedaal markii uu dhowaan lataliye sarre u magacaabay hogaamiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen.

Laftagareen ayaa kamid ah madaxda maamul goboleedyadda daacadda u ah madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo kaasoo uu damac ugu jiro in uu difaacdo kursigiisa doorashooyinka 2020-21.

Magacaabida Dr Maxamed Ibraahim Nuur ayaa la rumeysan yahay in Villa Soomaaliya ay dooneyso in ay daacadnimo ugu muujiso Laftagareen si uu ugu soo xulo liiska Xildhibaanadda ay u gudbin doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM