Xamse: 1988-dii dowlad ayaa seddex shey ku samaysay dadka

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku baaqay in "ciidamada iska soo horjeeda" laga saaro magaalada Laascaanood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, ayaa markii ugu horeysey wuxuu ka hadlay dagaalka magaaladda Laascaanood.

Xamse oo ka hadlay munaasabad lacag loogu uruurinayay Turkiga ayaa ku tilmaamay in ay nasiib darro weyn tahay in 35 sano kadib ay dhacayaan wixii horey looga geystay Hargeysa.

"1988-dii dowlad ayaa dadkii ay mas’uulka ka ahayd ku samaysay seddex shey oo ah duqeyn, layn iyo qixin, intii oo kale ayaa haddane ka dhacaysa Laascaano, waana nasiib darro," ayuu yiri.

Xamse oo ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan ayaa Garaadada Laascaanood ka codsaday in ay aqbalaan xabad joojinta iyo wadahadalada ay ku baaqayso Somaliland.

Dhammaan ciidamada iska soo horjeeda ee ku sugan xarunta gobolka Sool ayuu dalbadey in laga saaro goobaha shacabka iyo gudaha magaalada, fursadna la siiyo wadahadalada nabadda.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa "wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaalida aysan weli ka korin fikirkii is maquuninta iyo isu xoog sheegashada.

Hadalka Xamse ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Hargeysa gaar ahaan madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu ganafka ku dhuftey in uu "Laascaanood ka geysanayo ficilkii Siyaad Bare".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM