Xamse: Al-Shabaab waa in masaajidada xitaa lagu dhex dilaa

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare oo la hadlayay bulshada reer Aadan Yabaal ee dhowaan laga saarey Al-Shabaab ayaa jeediyay khudbad inteeda badan ahayd wacdi diini ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumada ayaa dadweynaha u sheegay in Nabi Maxamed NNKH laga soo xigtay "in kooxda Khawaariijta ah lagu dhex ugaarsado masaajidada iyo meel kasta".

Xamse ayaa tibaaxay in dib loo furo masaajidadii xirmay, dugsiyadii qur’aanka ee ay Al-Shabaab xireen, lagana shaqeeyo sidii dadka looga sixi lahaa caqiidada diimeed ee ay kooxdani marin habaabisay.

Degmada Aadan Yabaal oo muddo ku dhow dhawr iyo tobon sano ay haysteen Al-shabaab ayaa markii ugu horeysey ku noqotay gacanta dowladda kadib kacdoon shacab oo muddo bilo ah socday.

Dad qaar ayaa sheegay in Xamse uu yahay Ra'iisul Wasaarihii labaad ee tagay magaaladaas abid. Alle ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma;arke ayaa magaaladani tagay sanadkii 1962-dii, sida uu goobta ka sheegay Prof Xasan Sheekh oo waftiga Xamse qeyb ka ahaa.

Waftiga ayaa waxaa la socday ganacsato, odayaal iyo aqoonyahano degmada kasoo jeeda, kuwaas oo qaarkood ay ugu dambeysay wax ka badan 30 sano. Balse waxa ay diyaaradda ka buuxsantay wasiirka caafimaadka.

Hay’adda maareynta masiibooyinka oo guddoomiyaheeda uu waftiga qeyb ka ahaa ayaa magaalada geysey raashiin loogu talogalay illaa 4 kun oo qoys.

Waxaa kale oo socda dedaalo lagu furayo goobihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyada oo dowlad goboleedka Hirshabeelle ay ku mashquulsan tahay dhismaha maamul hoose oo ay degmada haatan yeelato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM