Xamse: AS waxay kaliya ku faafi kartaa meel uu jahli yaalo

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay kulan ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Afur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen, saga oo sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo Khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala afuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada.

Xamse ayaa intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan lagu guuleysteen caqabado badan oo kamid yihiin, Khawaarijta, Ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaajta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimadduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM