Xamse Barre oo ka qeybgalay xuska Sannadguurada 100-aad ee Jahmuuriyadda Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Jahmuuriyadda Turkiga, sida lagu daabacay bogga xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM