Xamse Cabdi Barre oo baaq u diray hogaanka hay'adda NISA

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa daahfuray Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta daahfuray Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Xamse ayaa ku ammaanay Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay'adda.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay'addu sannadihii dhawaa, waxuuna ugu baaqay hoggaannada kala duwan ee hay'adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM