Xamse Cabdi Barre: Waxaan isku-qarinay wixii laga baqi jiray

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo difaacay go'aanadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay waxa uu magaaladda Muqdisho kaga qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo uu agaasimay maamulka Gobolka Banaadir.

Casho-sharaftaas ayaa waxaa loo sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran. Xamse ayaa "uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya".

Muqdisho ayuu "tilmaamay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan".

"Waxaan rajeynayaa waqti dhow in dhegxaanta laga qaadi doono. Waxaan rajeynayaa in waqti-dhow ay hoos u dhacdo tirada qaaliga ah ee guriyaha Muqdisho," ayuu hoosta ka xariiqay.

Muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran ayuu xusay in lagu gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda.

"Waxa uu ahaa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay ku guuleysteen arrimaha waaweyn oo ay ahayd in horey loo gaaro kuna saleysan dastuurka," ayuu carabka ku adkeeyay.

In dalka uu yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen ayuu tibaaxay aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka wallow illaa haatan aysan jirin cid hadalka sidaas u dhigtey.

Siyaasiyiin uusan magacyadooda carab-dhabin ayuu ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

"In dalku yeesho madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen kama dhigna in federaalka la burburiyey; waxay qeyb ka tahay dhameystirka dastuurka iyo in aan isku-qarinay wixii laga baqi jiray," ayuu yiri.

Dastuurka Soomaaliya ayaa noqdey mashruuc aan dhamaad lahayn kaasoo ay ku baxdey lacag tiro badan oo wali aan la tirokoobin, waana mid kamid ah arrimaha dhextaalka u ah khilaafka siyaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM