Xamse Cabdi oo bogaadiyey kaalinta haweenka ee ammaanka

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay munaasabada 8-da Maarso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.

Xamse ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa xusay sida ay uga go'an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

"Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go'an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo maleyshiyaadka Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM