Xamse Cabdi oo shaqo geeyay "guddigii doorashada Jubbaland"

Image
Talaabadan ayaa qeyb ka ah waxyaabo badan uu daaha gadaashiisa ka sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Sooamaliya ayaa shaqo geeyay inta badan xubnihii guddiga doorashada Jubaland ee uu mar isaga ka tirsanaa, markii dambane xildhibaanka kasoo dhigey.

Talaabadan uu qaadey Xamse Cabdi Barre ayaa qeyb ka ah waxyaabaha tirada badan ee hoosta ka socda ee aysan inta badan saxaafadda lala wadaagin ama aanan dhugta loo lahayn.

Sidda laga soo xigtey illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Xamse, inta badan xubnaha guddiga ayaa boosas shaqo laga siiyey  labada xafiis ee ugu sareeya dalka.

Xamse ayaa, sidda xogta muujineyso, waxa uu xafiiskiisa ka shaqo ka geeyay laba xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa; Axmed Maxamuud Cumar oo ahaa ku xigeenkii guddoomiyaha, iyo Ibraahim Aadan Ibraahim.

"Axmed Ruke oo isna ka tirsanaa guddiga ayuu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay ku xigeenka agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha," ayay raaciyeen illo wareedyadda war-galka ah.

Kulan kale iyo xubin kale

Isniintii shalay, Xamse ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyihii guddiga Siyaad Maxamed Mursal kaasoo maskaxdii ka dambeysay doorashaddii uu Xamse kusoo helay kursiga Xildhibaanimada sanad kahor.

Lama oga waxa ay ka wada hadleen iyo in uu jiro ballan-qaad shaqo dowladeed ah. Fahfaahinta ayaa muujineysa in xubnaha kale ee guddiga ay wasiirka koowaad ka haystaan yabooh kala duwan.

Dhanka kale, xubno kale oo ka tirsanaa guddiyada doorashada heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa shaqooyin laga siiyay dowladda xilli shaqaale horey uga tirsanaa xafiisyada ugu sareeya la kala diray.

Dadka la socda siyaasadda ayaa rumeysan in lagu abaalmariyay shaqadii eexda ahayd ee ay qabteen. Shaqsiyaadka xilalka lagu taxay waxaa kamid ah musharaxiintii Xilhibaanadda ee malxiiska ahaa.

Tani ayaa waxay meesha ka saaraysaa balanqaadkii madaxda ugu sareysa waddanka ee ah in shaqaalaha dowladda aan lagu saleyn doonin nin-jeclaysi iyo eexasho isla markaana lagu xulan doono karti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM