Xamse Cabdi oo shaqo geeyay "guddigii doorashada Jubbaland"

Image
Talaabadan ayaa qeyb ka ah waxyaabo badan uu daaha gadaashiisa ka sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Sooamaliya ayaa shaqo geeyay inta badan xubnihii guddiga doorashada Jubaland ee uu mar isaga ka tirsanaa, markii dambane xildhibaanka kasoo dhigey.

Talaabadan uu qaadey Xamse Cabdi Barre ayaa qeyb ka ah waxyaabaha tirada badan ee hoosta ka socda ee aysan inta badan saxaafadda lala wadaagin ama aanan dhugta loo lahayn.

Sidda laga soo xigtey illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Xamse, inta badan xubnaha guddiga ayaa boosas shaqo laga siiyey  labada xafiis ee ugu sareeya dalka.

Xamse ayaa, sidda xogta muujineyso, waxa uu xafiiskiisa ka shaqo ka geeyay laba xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa; Axmed Maxamuud Cumar oo ahaa ku xigeenkii guddoomiyaha, iyo Ibraahim Aadan Ibraahim.

"Axmed Ruke oo isna ka tirsanaa guddiga ayuu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay ku xigeenka agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha," ayay raaciyeen illo wareedyadda war-galka ah.

Kulan kale iyo xubin kale

Isniintii shalay, Xamse ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyihii guddiga Siyaad Maxamed Mursal kaasoo maskaxdii ka dambeysay doorashaddii uu Xamse kusoo helay kursiga Xildhibaanimada sanad kahor.

Lama oga waxa ay ka wada hadleen iyo in uu jiro ballan-qaad shaqo dowladeed ah. Fahfaahinta ayaa muujineysa in xubnaha kale ee guddiga ay wasiirka koowaad ka haystaan yabooh kala duwan.

Dhanka kale, xubno kale oo ka tirsanaa guddiyada doorashada heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa shaqooyin laga siiyay dowladda xilli shaqaale horey uga tirsanaa xafiisyada ugu sareeya la kala diray.

Dadka la socda siyaasadda ayaa rumeysan in lagu abaalmariyay shaqadii eexda ahayd ee ay qabteen. Shaqsiyaadka xilalka lagu taxay waxaa kamid ah musharaxiintii Xilhibaanadda ee malxiiska ahaa.

Tani ayaa waxay meesha ka saaraysaa balanqaadkii madaxda ugu sareysa waddanka ee ah in shaqaalaha dowladda aan lagu saleyn doonin nin-jeclaysi iyo eexasho isla markaana lagu xulan doono karti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM