Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Image
Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhanka dimoqraadiyadda dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xamsa ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taas oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato, hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM