Xamse Cabdi: Waxaan diyaarinay 20-kun ciidan oo badalaya ATMIS

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Xamsa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Macallimiin ayuu ku booriyey in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara.

Xukuumadiisa ayuu xusay in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale.

"In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3-kun oo Macallin," ayuu tibaaxay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM