Xamse: Dib ayaa loo dhisi doobaa goobaha adeegyada bulshada

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Caafimaadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Khamiista maanta ah kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kormeerkan ayaa ah mid uu ugu kuur-galayey habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan ayaa uga warbixiyay Ra'iisul Wasaaraha tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaaliyeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM