Xamse: Laba ujeedo ayaan ka leenahay dagaalka Al-Shabaab

Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo tagay degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la hadlay ciidanka iyo dadka degaanka dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xamse ayaa dhagax-dhigay madaar diyaaradeed iyo mashaariic kale oo horumarineed, isaga oo iclaamiyey in howlgalada agu ku garab wadi doono "hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed".

Wasiirka koowaad ayaa intaas ku daray in dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah; in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo iyo in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda ayuu hoosta ka xariiqay "in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf".

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ayuu xusay in ay Aadan Yabaal gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.

"Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga Dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed," ayuu Xamse ku qoray Facebook-giisa.

Degmada Aadan Yabaal ayaa toddobaadkii hore laga saarey Al-Shabaab waxaana ku dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM