Xamse oo amar kasoo saarey ammaanka caasimada Muqdisho

Image
Amarkan ayuu bixiyey kadib markii uu shir guddoomiyey kulan ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa wuxuu amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray.

Amarkan ayuu bixiyey kadib kulan albaabada u xiran yihiin uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha ammaanka dalka.

Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka.

Xamse ayaa dhincyada waxa uu ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysta shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas waxaa wehlisa, in ay goobjoog ahaayeen Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM