Xamse oo amar kasoo saarey ammaanka caasimada Muqdisho

Image
Amarkan ayuu bixiyey kadib markii uu shir guddoomiyey kulan ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa wuxuu amray in si deg deg ah wax looga beddelo qaabkii hore ee amniga caasimadda loo sugi jiray.

Amarkan ayuu bixiyey kadib kulan albaabada u xiran yihiin uu shir guddoomiyey oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Taliyeyaasha laamaha ammaanka dalka.

Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya ayaa ka dhagaystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka.

Xamse ayaa dhincyada waxa uu ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo lagu dabar-goynayo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan falalka amni, degmo kastana looga baahan yahay in ay xoojiso wadashaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago falalka gurracan ee ay soo maleegayaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir in degdeg wax looga qabto cid kasta oo waxyeelanaysa amniga caasimadda, korna loo qaado fayo dhowrka iyo bilicda, isagoo tilmaamay in askarigii tacaddi u geysta shacabka si adag loo maxkamadeynayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas waxaa wehlisa, in ay goobjoog ahaayeen Taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee Gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM