Xamse oo amar kasoo saarey dil Xildhibaan hore loo geystay

Image
Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah ayaa lagu khaarijiyay gudaha caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.

Xamse oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dabargoynta Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku dheeraaday sida ay "kooxaha Khawaarijta ah" uga been-sheegeen Diinteenna suubban ee ay ku beegsanayaan dadka indheergaradka ah, ayaa faray hey’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyey dilkii Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddankeennu uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM