Xamse oo amar kasoo saarey goobo dan guud ay shacab dagan yihiin

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Isniinta maanta ah waxa uu daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo Macallin .

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Isniinta maanta ah waxa uu daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Xamse oo kormeerey goobaha lagu qaadayo imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le'eg oo macallimiin ah.

Wasiirka koowaad ayaa xusay in xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da'dii waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra'iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka.

Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macallin.

Dhanka kale, Xamse ayaa ugu baaqay shacabka degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed hay'adaha amniga iyo wasaaradda waxbarashadana iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM