Xamse oo baaq kasoo saarey xaalka Puntland iyo Koonfur Galbeed

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey degmada Yaaqshiid.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay waxa uu ka hadlay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in xalay ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.

“in aan saacaddan joogno degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho," ayuu yiri Xamsa.

Waxa uu intaas ku daray: "Waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda".

Xamse ayaa sheegay "in Soomaaliya muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida".

Dadka Soomaaliyeed ayuu ra'iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah "waxa uu xusay in ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaala".

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay "in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-Galbeed".

"Doorka ugu muhiimsan ee nabadda waxaa isla leh odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM