Xamse oo baaq u diray madaxda isticmaasha jidadka Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay "in ciqaab sharci ah" la marsiinayo askarta dilalka u geysanaysa shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.

Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay dilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka oo aan kala caddeyn goorta la bilaabayo maxkamadeynta shaqsiyaadkaas ayaa tibaaxay in askartaas dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

Xukuumadda ayuu caddeeyay in ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha.

Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra'iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayeen shacabka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM