Xamse oo balanqaadey "Soomaaliya cusub mustaqbalka dhow"

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan afur oo lagu xusay sanad-guurada koowaad ee ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray "in mustaqbalka dhow la arki doono Soomaaliya cusub" xilli uu ammaanay howlgalka ATMIS ee ku shaqeeya magaca Midowga Afrika.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa dhawaqan ka dhawaajiyey ka gadaal markii uu xerada Xalane uga qeybgalay munaasabad lagu xusay sanad-guurada koowaad ee taliska ATMIS.

Xamse oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa waxa uu ku nuux-nuux-sadey in wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab uu horseedi doono "Soomaaliya xor ah".

"Waxaan ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika, oo aan ku ammaanay dadaalka iyo doorka naf-hurnimada ah ee ay ciidanka Midowga Afrika ka qaateen nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Lixdii bilood ee la soo dhaafay, Xukuumadda DanQaran waxay horumar weyn ka gaartay dagaalka saddex geesoodka ah ee dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, waxaana ka go'an inay sii wado xoreynta meelaha ay ku harsan yihiin dalka si aan uga ciribtirno guud ahaan waddankeena kooxahan caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliya".

"Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xorowday Khawaarij, deyn iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta himilooyinka stiraatijiga ah ee aan hiigsaneyno - si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo horumar," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa qorshuhu yahay in uu bilowdo bishan barakeysan ee Ramadan iyadda oo bartilmaameedka uu yahay Koonfur Galbeed, Jubaland iyo qaybo kamid ah HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM