Xamse oo bixiyey amar ka dhan ah dilalka askarta u geystaan rayidka

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.

Xamse ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, isla markaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Wasiirka koowaad ayaa hoosta ka xariiqay "in aan la aqbali karin xilligaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah in maalin walba muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu dilo jidadka, isagoo faray hay'adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya".

Shir Sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, Safiirro iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM