Xamse oo bixiyey amar la xiriira ammaanka caasimada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir uu guddoomiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay "in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda".

Xamse ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shirka amniga caasimada kaasoo Khamiista maanta ah uu guddoomiyey isla markaana looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa intaas ku daray in xukuumaddiisa ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

"Guulaha la gaarey waxaa kamid ah in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor," ayuu tibaaxay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, saraakiisha hay’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada.

Xamse ayaa waxa uu tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM